Waa maxay sandaqadani?

Cid walba ayaa isticmaali karta sandaqadan! Waxa aad u isticmaali kartaa inaad ku ogaato inaad leedahay wax baahi ah oo dhanka sharciga ah iyo in kale, ku helid adeegyo iyo khayraadyo, ama la xiriirida bixiye gargaar (legal aid) dhanka sharciga ah. Waa aanu kaa caawin karnaa buuxinta warqadaha, codsiga adeegyada, ama waxa aanu kuu tilmaami karnaa jahada saxda ah ee aad u baahan tahay inaad aado.

Waa maxay sababta loogu baahan yahay?

Cudurka COVID-19 ee dillaacay iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaad ee soo korortay awgeed ayaa u wareejiyey habka gargaarada sharciga kumbuyuutarka, taa oo abuurtay kala qaybsanaan ah dadka heli kara kumbuyuutarada iyo kuwa aan heli karin taa oo si ka balaaran u saameysay beelaha danyarta ah ee ay u adeegyo Hay’ada (Minnesota Legal Aid). Helitaanka cadaalad iyo fursad cadaalad helid ah kaliya waxaa heli kara dadka leh awooda dhaqaale iyo khayraadyo ay ku isticmaali karaan aaladaha tiknoolajiyada. Si wax looga qabto kala qaybsanaantan dhanka kumbuyuutarada ah ayey Hay’ada la yiraa Isbahaysiga Adeegyada Sharciyda (Minnesota Legal Services Coalition) waxa ay ka codsatay dhaqaalaha CARES Act inay u fidiso beelaha cadaalad rayid iyadoo ka abuuraysa Gobolka oo dhan nidaam isku xiran oo sandaqado gargaar dhanka sharciga fidiya ah oo la dhigo goobaha maxkamado badan oo kala duwan, rugaha hay’adaha samafalka ah iyo goobo kale oo ay beelahu leeyihiin. Rugaha la dhigayo iyo ururada ay iskaashaadaan hay’ada gargaarka dhanka sharciyadu waxyaabo badan ayey halkan ka ogaan karaan: legalkiosk.org

Nidaamka Xog-Xafidida

Nidaamka Guud

Oraahdan xog-xafidida ahi waxa ay quseeysaa cid walba oo isticmaasha Sandaqada Sharciga.  

Waxa aanu aruurinaa macluumaad ku saabsan sida barta (website) loo isticmaalo. Isticmaalkan macluumaadkan kuma jiraan akhbaar shakhsi si gaar u cadeynaysa. Ka eeg qaybta Tiro-koobka Isticmaalka Guud ee Hoose akhbaar ku saabsan akhbaarta aan aruurino iyo sida aan u isticmaalno.  

Waa aad heli kartaa Codsiga Khadka (Online) ka adigoo adeegsanaya Sandaqada Sharciyada. Ka eeg Codsiyada Khadka (Online) ka qaybta hoose ee Gargaarka dhanka Sharciyada ah wixii faahfaahin ah ee ku saabsan nooca ay tahay akhbaarta lagu qaado Codsiga Khadka (Online) ka iyo sida akhbaartaa loo isticmaalo.

Codsiyada Khadka (Online) ee Gargaarka Dhanka Sharciyada (Legal Aid)

Kolka aad isticmaasho Codsiga Khadka (Online) ka si aad uga codsato Caawimaad Hay’ada Gargaarka Dhanka Sharciyada (Legal Aid), waxa aan isticmaalnaa bar (website) ay leedahay qolo-sedexaad oo ay maamusho Hay’ada (Legal Aid). Codsiga Khadka (Online) ku waxa uu codsadaa akhbaar cayiman si kolkaa ururka Gargaarka Dhanka Sharciyada ah (Legal Aid), ee aad codsataa uu u dhameeyo hawsha codsigaaga. Codsiga waxa uu ku waydiin akhbaarta lagaala soo xiriiro si kolkaa uu ururka Gargaarka Dhanka Sharciyadu (Legal Aid) uu kuula soo xiriiro. Sidoo kale codsigu waxa uu ku waydiisan doonaa akhbaar ku saabsan dhibka dhanka sharciga ah ee ku haysta iyo dakhligaaga si ay uga caawiyaan ururka Gargaarka Dhanka Sharciyada (Legal Aid) go’aansiga inay kaa caawin karaan kiiskaaga iyo in kale.  

Sandaqada Sharciyagu (Legal Kiosk) ma sii hayso akhbaarya aad geliso foomka codsiga. Akhbaarta waxaa lagu kaydiyaa ururka Gargaarka Sharciyada (Legal Aid) habkiisa maaraynta kiisaska ee amaanka ah.  

Mas’uul kama aan nihin anagu akhbaarta aad siiso wax urur kale ah. Mana aan heli karno akhbaartaa.

Tiro-koobyada Isticmaalida Guud

Waxa aanu aruurinaa tiro-koobyo iyo macluumaad ku saabsan sida barta(website) iyo codsiyadayada ay u istcimaalaan booqdayaasha iyadoo la adeegasanayo aalada (Google Analytics).  

Waxa aanu u isticmaalnaa aalada (Google Analytics) inaad kula socono booqdayaashada shabakadayada (website). Aalada (Google Analytics) waxa ay u isticmaashaa aalada la yiraa (cookies) il-mariyaha shabakada (web) si ay u soo aruuriso ulana socoto macluumaadkan. Macluumaadka waa la soo aruuriyaa waxaana loo soo bandhigaa qaab ka dhiga cida aad tahay qarsoodi. Kaliya waxa aad arki kartaa docaha wax u socdaan iyo tiro-koobyada, ee ma aad arki doontid akhbaar adigoo booqda ah kaligaa kugu saabsan. Waxa aanu u isticmaalnaa aalada (Google Analytics):

  • Raad-raaca ah inta goor ee la isticmaalay ama la booqday waxayaga ku jira meesha. Taasi waxay naga caawisaa inaan go’aansano waxa meesha ku jira ee u baahan in la cusboonaysiiyo ama la xayeysiiyo.  
  • Ugu sheegno maal-geliyeyaashayada isticmaalida barta (website) sannad walba.  
  • Aan ku ogaano sida loo sameeyo loona soo bandhigo bartayada (website) si ay si fiican ugu shaqeeyso dad badan oo isticmaalayaal ah.  
  • Lagu garto dhibaatooyinka iyo xanibaadyada gelida bartayada (website).
         

Waa aad diidi kartaa inaad ogolaato in aalada Google Analytics ay aruuriso macluumaadkaaga adigoo isticmaalaya Waxa La Yiraa (Google Analytics Opt-out Browser Add-on). Wax badan ka ogow Aruurinta Macluumaadka ee Aalada (Google Analytics Data Collection). Sidoo kale, mas’uul kama nihin, naloomana qabsan karo, ama nalooma sheegan karo wax qaan ah oo ku salaysan hab-dhaqanyada iyo nidaamyada adeeg bixiyahan.

Sida aan u Isticmaalno Tiro-koobyada Isticmaalida

Waxa aan abuuri karnaa warbixino anagoo isticmaalayna akhbaar ku saabsan dadka isticmaala Sandaqada Sharciga (Legal Kiosks) si kolkaa aan u sii hagaajino waxa uu kala kulmayo isticmaalahu. Ma aan sheegi karno isticmaalyaashu cid ay yihiin iyadoo ku salaysan warbixinadaa.

Waxa aan la wadaagnaa Sandaqada Sharciyada (Legal Kiosk) tiro-koobyada Google Analytics:

  • Maal-geliyeyaashayada iyo Maal-geliyeyaasha laga yaabo inay na maal-geliyaan mustaqbalka.  
  • Bahdayada iskaashiga gargaarada dhanka sharciyada (legal aid) iyo bahda farsamada (technology) ee gargaarka dhanka sharciyada (legal aid) – ee sida wada jirka ugu wada shaqeeya barnaamijyada hagaajinta barta (website) ama ujeedooyin akhbaareed/daraasaad oo ku saabsan isticmaalka barta gargaarada dhanka sharciyada (legal aid).  
  • Qandaraaslayaasha ku hawlan qaabeynta ama dayactirka barta (website).
         

Ma aanu gadno umana isticmaalo macluumaadka inaan adiga wax kaa gadno. Waxa dhici karta inaan u isticmaalno macluumaadka inay naga caawiyaan anaga inaan ogaano sida ugu fiican ee aan u xayeysiin karno adeegyadayada ama bartayada (website).

Barahayagu ogaan ama kas ugama aruuriyaan macluumaad shakhsiyan ah ilmaha

Hadii aad tahay waalid ama mas’uul ilmood aadna is leedahay barahayagu waxa ay aruuriyeen akhbaar shakhsiyan oo ilmahaaga ku saabsan, fadlan nala soo xiriir anaga: lawhelpmn.org/contact

Wax badan oo ku saabsan ilaalinta xogta ilmahaaga ka ogow khadka (online) ka.

Xiriirada (Links)

Barahayaga waxa ku jira xiriiro (links) ay leeyihiin rugo qolyo-sedexaad. Hadii aad riixdo mid ka mid ah xiriiryadaa (links) waxaa ay ku geyn karaan rugo kale oo anaan anagu maamulin. Habraacani ma quseeyo hab-dhaqanka akhbaarta ee barahaa (website) kale.

Amaanka Shabakada (Internet)

Shabakadahu (Internet) ma aha 100% amaan. Ma aanu balanqaadi in bartani (website) ay gabi ahaanba amaan tahay. Isticmaal taxadar kolka aad isticmaalayso shabakadan (Internet)!

Cusboonaysiinaha Nidaamyada

Markii ayaan la joogaba waxaa dhici karta inaan wax ka bedelno dhab-dhaqankagaya xog xafidida ama nidaamyada. Hadii ay jiraan wax isbedel ah, waxa ugu dambeeya ee ku soo kordha nidaamkaga waxaa la soo gelin doonaa boggan.

Su’aalaha ku saabsan Nidaamkan

Hadii aad qabto wax su’aalo ah ama wax walaac ah oo ku saabsan Nidaamka Xog-xafidida ama aruurinta iyo isticmaalida macluumaadka, fadlan nala soo xiriir anaga: lawhelpmn.org/contact

La cusboonaysiiyey: 02/03/2021

Qodobada iyo Shuruudaha

Sanqadaha Sharciyada (Legal Kiosk) ee Hay’ada Isbahaysiga Adeegyada Sharciyada ee Minnesota (Minnesota Legal Services Coalition)

‍

Qodobadaasi waxa ay maamulaan

  • Isticmaalka Sandaqadan Sharciga (Legal Kiosk) (oo hadda ka dib loogu yeeri doono “Codsiga”) khidmada la talinta si loo hagaajiyo helida adeegyada dhanka sharciga ee la wax looga qabanayo cudurka dillaacay ee COVID-19 waa (“Adeeg”).

Isticmaalahu waa khasab inuu si taxadar leh uu u akhriyo qoraalkan.  

Codsigan waxaa bixiyey:  

Minnesota Legal Services Coalition (“Mulkiilaha”)  

Mulkiilaha emaylka laga xiriiri karaa waa: info@goa2jtech.com

"Codsigani" waxa uu ka hadlayaa

  • wixii bar (website) ah, oo ay ku jiraan mulkun hooseedyada iyo wixii kale ee bar (website) ah ee uu Mulkiilahu uu ka dhigo kuwa Adeegyadiisa laga heli karo.
  • codsiyada telefanada gacanta, loox ama habka kale ee aaladaha casriga ah.
  • wixii codsiyo ah, tusmo ah waxa ku jira galalka, ilaha koodadka, qoraalada, xirmooyinka tilmaamaha ama soofti weer lagu daray ah iyadoo qayb ka ah Adeega iyo sidoo kale wixii qoraale ah ee kale ee la xiriira.

Waxa uu u baahan yahay in uu ogaado isticmaalahu kolka uu jaleeco

Fadlan ogow in qaybo ka mid Shuruudaha ay kaliya quseeyn karaan noocyo cayiman oo isticmaalayaasha ah. Maqnaanshaha sheegida caynkaa ahi, waxa ay muujinaysaa in qaybaha oo dhami ay quseeyaan dhamaan Isticmaalayaasha oo dhan.

‍

SHURUUDAHA ISTICMAALKA

Is-diiwaan gelinta‍
Isticmaalayaashu waxa ay isticmaali karaan Adeega iyagoon is-diiwaan gelin ama sameysan xisaabta isticmaalaha. Kani waa adeeg lacag la’aan ah oo lagu hagaajinayo helida adeegyada dhanka sharciga ah si wax looga qabto cudurkan COVID-19 ee dillaacay.

Gaba-gabaynta Xisaabta
Isticmaalayaashu waa ay gaba-gabayn karaan xisaabtooda waana ay joojin karaan isticmaalka Adeega markii ay rabaan iyagoo xiraya fadhiga uu Codsigu bilaabay.

Xayirida iyo tirtirida Xisaaabta

Mulkiilahu waxa uu xaq u leeyahay, uuna kaligii xor u yahay inuu xayiro ama tirtiro markii uu rabo ogaysiis la’aan xisaabaadka isticmaalaha ee uu u arko inay yihiin kuwo aan qumanayn, edeb-darro ah ama ku xad-gudba Shuruudahaa.  

Xayiraada ama tirtirida xisaabaadka Isticmaalaha waa inaysan xaq u siin Isticmaalayaasha wax xaq-siin ah oo ku saabsan khasaare soo gaaray ama dib ugu celin xoolo ka dhumay.

Waxa ku jira Codsigan

Aan ka ahayn kolka si kale loo cayimo ama si iska cadba loo garan karo, dhamaan waxyaabaha laga heli karo codsigan waxaa iska leh ama bixiyey Mulkiilaha ama Shatiileyaashiisa. Mulkiilaha waxa uu intii uu awoodo uu ku dadaalaa inuu hubiyo in waxyaabaha lagu bixieyey Bartan (Website) aysan jabin qodobada sharciga ah ee quseeya ama xaquuqda qolo-sedexaad. Hase yeeshee, waxaa dhici karta inaysan suurtagal ahayn in mar walba la gaaro natiijada caynkaa ah.

Xaquuqaha ku taxaluqa waxyaabaha ku jirta Bartan - Dhamaan xaquuqdu waa ay dhowrsan tahay

Halkii si waadixa ah loogu sheego Codsigan, Isticmaalahu waxa uu kala soo bixi karaa (download), nuqul iyo/ama la wadaagi karaa cid qaar ka mid ah waxyaabaha laga heli karo Codsigan hadii loo isticmaalayo isticmaal shakhsiyan ah iyo isticmaal aan ganacsi ahayn.

Gelida ilo dibada ah

Iyagoo adeegsanaya Codsigan, ayey isticmaalayaashu waxaa dhici kartaa inay galaan ilo dibada ah oo ay bixiyaan qolyo- sedexaad. Isticmaalayaashu waxa ay qiraan ayna aqbalaan in Mulkiilahu uusan shaqo ku lahayn ilaha caynkaa ah, sidaa darteed uusan mas’uul ka ahayn waxa ku jira iyo helitaankoodaba.

Isticmaalka La ogol yahay

Codsigan iyo Adeega waxaa kaliya oo loo isticmaali karaa uun ilaa iyo xadka waxa loo bixiyey in loo isticmaalo, ee hoos imaanaya Shuruudaha iyo sharciga quseeya.

Sidaa darteed, Mulkiilaha waxa uu leeyahay xaqqa ah inuu qaadi karo talaabooyin quman si uu u ilaaliyo maslaxadiisa munaasibka ah oo ay ku jiraan u diidida isticmaalayaasha gelida Codsigan, u sheegida wixii dhaqan-xummo ee lagu dhex sameeyo Codsigan mas’uuliyiinta qaabilsan – sida mas’uuliyiinta laamaha maamulka sharciga – mar walba oo uu isticmaalo uu sameeyo ama laga shakiyo inuu sameynayo mid walba oo ka mid ah arrimahan soo socda:

  • ku xadgudbida sharciyada, xeerarka iyo/ama Heshiisyadaa.
  • ku xadgudbida xaquuqda qolo-sedexaad.
  • si weyn u celidaynta maslaxada munaasibka ah ee Mulkiilaha.
  • U gafida Mulkiilaha ama qolo-sedexaad.

Afeefta hubaasha

Codsigan waxaa loo fidiyey si akidan iyadoo saldhig uu u yahay si ah ‘sida uu yahay” iyo ‘sida loo heli karo.” Isticmaalka Adeegu waa mid Isticmaalahu uu wixii ka yimaada isagu mas’uul ka yahay. Inta ugu badan ee ay ogol yihiin sharciyada quseeyaa, ayaa Mulkiilahu waxa uu si waadix ah uga afeefanayaa dhamaan shuruudaha, matalaadyada, iyo hubaasha — ha noqoto mid waadix ah ama mid dahsoon, ama qodob sharci ah ama si kale ah oo ay ku jiraan laakiin aan ku wada koobnayn wax hubaal maldahan ah oo ah beecinta, ku haboonaanta ujeedo gaar ah, ama aan ku xad gudbayn xaquuqda qolo-sedexaad. Wax talo ama akhbaar ah oo af ama qoraal ah, ee uu ka helo mulkiile ama Adeega ma uu abuuri doono wax hubaal ah oo aan si waadix ah loogu sheegin halkan.

Wixii laga soo saaro (downloaded) ama la helo iyadoo la isticmaalayo Adeega waxaa lala soo baxi (downloaded) iyadoo wixii khasaare ah ee ka yimaada la soo bixida ay mas’uul ka yihiin isticmaalayaashu waana in ay isticmaalayaashu sidoo kale mas’uul ka noqdaan kaligood wixii dhumid macluumaad ah ee ka ay keento la soo bixida (download) caynkaa ahi ama isticmaalka Isticmaalaha ee Adeega. Mulkiilahu ma bixiyo hubaal, ayidaad, balanqaad mana qaado wax mas’uuliyad ah oo ku saabsan wax alaab ah ama adeeg ah oo ay ku xayeysiiyaan ama ku soo bandhigaan qolo-sedexaad Codsigan ama bar kale oo ku xiran ama adeeg, Mulkiilahuna waa in uusan qayb ka noqon ama uusan sina ugu shaqo lahayn wax beecin ah oo u dhaxeeysa Isticmaalayaasha iyo bixiyeyaasha qolayaha-sedexaad oo ah alaabo iyo adeeg.

Xadidaada Qaamaha

Iyadoo la tixraacayo inta ugu badan ee uu ogol yihiin sharciga quseeyaa, marnaba aha in Mulkiilaha loo qabsado wax qaan ah oo ah.

  • khasaare dadan, ciqaab, ka’ma, gaar ah, masxuulaad ama tusaale ah, oo ay ku jiraan la’aanta xadidaada khasaaraha ka dhasha waayida faa’iido, ixsaan, isticmaal, macluumaad ama khasaare kale oo la taaban karo oo ka unkama ama la xiriira isticmaalka ama awoodid la’aanta isticmaalka, Adeega; iyo
  • wixii khasaare ama dhumid hanti ama dhaawac ah oo ka dhasha jabsi, kharibid ama gelitaan aan la ogolaan ama isticmaal Adeeg ama xisaabta Isticmaalaha ama akhbaarta halkan ku jirta.
  • wixii khaladaad, gaf, ama sugnaan la’aan ah oo ah waxa meesha ku jira.
  • dhaawac jireed ama khasaare hantiyeed, oo nooc kastaba ah, ee ka dhasha gelitaanka Isticmaalaha ama isticmaalka Adeega.
  • wixii gelitaan aan la ogolaan ah ama ah isticmaalka Mulkiilaha adeegihiisa amaanka ah iyo/ama dhamaan wixii kale ee akhbaar shakhsiyan ah ee halkan ku jirta.
  • wixii carqaladeyn ama joojin ah ee ku saabsan gudbinta ama helida Adeega.
  • wixii cilad geliya ah, fayrus ama waxa la yiraa (trojan horses) ama wixii kale ee la mid ah ee ay dhici karto in loo soo gudbiyo ama lagu gudbiyo Adeega.
  • Wixii khalad ah ama ka tagid ah ee ku saabsan waxa meesha ku jira ama wixii dhumid ama khasaare ah ee dhacay iyadoo sababtu tahay isticmaalka wax meesha la soo geliyey, emayl ahaan loogu soo diray, lagu soo gudbiyey, ama si kale loogu diyaariyey Adeega; iyo/ama
  • wixii Sharaf-ridid, edeb-darro ama fal sharci-darro ah ee cid Isticmaale ah ama qolo-sedexaad ah mar ay noqotaba marna Mulkiilaha, cid la shaqeysa, beeciye, ama shaqaalahiisu looma qabsan karo sidoo kale wax qaan ah, amaah ah, dacwo ah, waajibaad ah, khasaare ah dhumid ah ama kharash ah cadad walba ha noqdee ma loo qabsan karo.

Xadidaadyadan qaybta qaanta waa inay qabtaan inta ugu badan ee ay ogol yihiin sharciyada quseeya ee ka jirta deegaanka ha ku salaysnaato qaanta la sheeganayo qandaraas, dacwo waxyeelid ah, dayac, qaan cayiman ama wax kale, xataa hadii shirkada lala socodsiiyey suurtagalka jiritaanka khasaare caynkaa ah.

Caymin

Isticmaalahu waxa uu ogol yahay inuu difaaco, caymiyo uusana Mulkiilaha iyo shaqaalihiisa waxba u qabsanayn, uuna ka reebayo dhamaan wixii qaan ama dalab ah, khasaare, waajibaad, dhumid, kharash ama amaah ah oo ay ku jiraan laakiin aan ku wada koobnayn, khidmadaha sharciga, iyo kharaashka ka dhasha;

  • Isticmaalaha isticmaalkiisa iyo helida Adeegyada oo ay ku jiraan wixii macluumaad ah ama wax kale ah ee uu diro ama uu helo Isticmaalahu;
  • Xad-gudubka uu ku xad-gubo shuruudahaa oo ay ku jiraan, laakiin aan ku wada koobnayn jabinta isticmaalaha ee wax ka mid ah matalaadaha iyo hubaalada ku xusan shuruudahaa;
  • Isticmaalaha xadgudubkiisa uu ku xad-gudbo qolo-sedexaad, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn wax xaq ah oo ku saabsan xog-xafidid ama xaquuqda hantida ee qalin-nuuga;
  • Isticmaalaha xadgudubkiisa uu ku xad-gudbo wax qodob sharci ah oo degsan, xeer, ama habraac;
  • wixii laga diro xisaabta Isticmaalaha oo ay ku jiraan akhbaar ka helida qolo-sedexaad iyadoo la Isticmaalayo Isticmaalaha magaciisa u gaarka ah, erayga sirta ah (password) ama talaabo kale oo amaan sugid ah, hadii ay quseeyso oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn, marin habaanin, been ama akhbaar aan sugnayn;
  • Isticmaalaha falkiisa dhaqan-xummada ah ee ku talagal ah; ama
  • qaybta qodobka sharciga ah ee Isticmaalaha ama xulafadiisa, mas’uuliyiintiisa, agaasimayaashiisa, wakiiladiisa, iskaashatadiisa, beeciyeyaashiisa, iyo shaqaalihiisa waa inay qabtaan inta ugu badan ee uu ogol yahay sharciga quseeyaa.

Saamixid La’aan

ka soo bixid la’aanta Mulkiilaha ee inuu geliyo wax xaq yeelad ah shuruudahaa ma aha inay noqoto saamixitaan ku saabsan xaquuqda caynkaa ah. Ma aha in wax saamixid kale ah la tixgeliyo ama saamixid sii socota oo ku saabsan shuruudaha caynkaa ah ama wax kale oo shuruud ah.

Adeeg joojin

Si uu u hubiyo in la helo heerka adeega ee ugu fiican ee la heli karo ayuu Mulkiilahu waxa uu xaq u leeyahay inuu u joojiyo Adeeg ujeedooyin la xiriira dayactir, casriyeyn, ama isbedelo kale, isagoo si quman ula socodsiinaya Isticmaalayaasha. Isagoon xadadka sharcigu uu ogol yahay aan ka baxayn ayuu Mulkiilahu waxa uu go’aansan karaa inuu laalo, ama uu joojiyo Adeega oo dhan. Intaa waxaa dheer, Adeega waxaa dhici karta in la waayo iyadoo sababtu tahay asbaab ka baxsan gacanta Mulkiilaha sida ‘wax aan lagu talagelin” “(force majeure)” (sida. burbur dhaqaale kaabayaasha ku yimaada ama korontada oo baxda, iwm.).

Nidaamka Xog-Xafidida

Si ay wax badan uga ogaadaan isticmaalka Macluumaadkooda shakhsiyanka ah, Isticmaalayaashu waxa ay eegi karaan nidaamka xog-xafidida ee Codsigan.

Xaquuqda hantida qalin-nuuga

Iyadoon wax loo geysanayn qayb gaar ah oo ka mid ah shuruudaha, wixii xaquuq hanti qalin-nuug ah sida, xaquuqda qoraha, xaquuqda sumada ganacsiga, xaquuqda daah-furka iyo farsameynta ee la xiriirka Codsigan waa hanti u gaar ah mulkiilaha waxa ayna soo hoos galayaan ilaalinta uu bixiyo sharciyada quseeya ama axdiyada caalamiga ah ee la xiriira hantida qalin-nuuga.

Dhamaan sumada ganacsiga — magac u yaal ama muuqaalba ha ahaadaane—dhamaan wixii kale ee ah sumado, magac ganacsi, sumado adeeg, sumado eray, jaantusyo, muuqaalo, ama astaamo muuqanaya oo la xiriira Codsigan waxa ay sii ahaan doonaan, hanti uu gaar u leeyahay Mulkiilahu ama shatiilayaasha waxa ayna soo hoos galayaan ilaalinta uu bixiyo sharciga quseeyaa ama axdiyada caalamiga ah ee la xiriira hantida qalin-nuuga.

Isbedelada Shuruudahaa

Mulkiilahu waxa uu leeyahay xaqqa ah inuu wax ka bedeli karo ama uu cusboonaysiiyo shuruudahaa markii uu rabo. Xaaladahaa caynkaa ahi kolka ay jiraan, Mulkiilahu waxa uu si quman ula socodsiin doonaa Isticmaalaha isbedeladaa. Isbedelada caynkaa ah ma ay saameyn doonaan xiriirka isticmaalaha ee mustaqbalka.  sii wadida isticmaalka ee Adeegu waxa ay cadeynaysaa aqbalaada Isticmaalaha ee dib u habaynta Shuruudaha. Haddii Isticmaalayaashu aysan doonayn inay qabtaan isbedeladdu, waa khasab kolkaa inay joojiyaan isticmaalida Adeega. Aqbalid la’aanta dib habaynta Shuruudaha waxaa dhici karta inay xaqu siiso labada qolo mid walba kii rabaa inuu joojiyo Adeega.

Kala Go’itaanka

Haddii mid ka mid ah qaybaha Shuruudahaa loo arko ama uu noqdo baadil ama wax aan loo fulin karin sida uu dhigayo sharciga quseeyaa, kolkaa baadilnimada ama fulin la’aanta qaybta caynkaa ah ma aha inay saameyso qaybaha kale ee soo haray kuwaa oo ay tahay inay sii ahaadaan kuwa si buuxa u sii shaqeeynaya.

Sharciga Maamula

Shuruudahaa waxaa maamula sharciyada gobolka Minnesota, isagoon ku taxaluqin mabaa’diida khilaafaadka sharciyada.

Hoos Imaanta

Awooda goonida ah ee lagu go’aansanayo wixii khilaaf ah ee ka dhasha ama ku xiran Shuruudahaas waxa ay hoos imaan maxkamadaha Degmadda Hennepin (Hennepin County), Minnesota.

Sida looisticmaalo Sandaqada Dhanka Sharciga

Daawo fiidyowgahoose si aad wax uga ogaato sida loo isticnaalo Sandaqada Dhanka Sharciyada.Riix batoonka "CC" ee ku yaal geeska midig ee hoose ee fiidyowga siaad ugu darto qoraalo ama far hoosaad ah afafka Soomaaliga.

Walima qabtaa Su’aalo?

Booqo rugtayadagargaarka ee haysa maqaalada ku saabsan sida loo isticmaalo sandaqada iyohabraacyo talaabo-talaabo ah iyo sawiro.

Booqo RugtaGargaarka (ingiriisi kaliya)
MN Kiosk logo
EnglishEspañolHmoobSomali
Waa maxay sandaqadani?

Waa maxay sandaqadani?

Cid walba ayaa isticmaali karta sandaqadan! Waxa aad u isticmaali kartaa inaad ku ogaato inaad leedahay wax baahi ah oo dhanka sharciga ah iyo in kale, ku helid adeegyo iyo khayraadyo, ama la xiriirida bixiye gargaar (legal aid) dhanka sharciga ah. Waa aanu kaa caawin karnaa buuxinta warqadaha, codsiga adeegyada, ama waxa aanu kuu tilmaami karnaa jahada saxda ah ee aad u baahan tahay inaad aado.

Waa maxay sababta loogu baahan yahay?

Cudurka COVID-19 ee dillaacay iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaad ee soo korortay awgeed ayaa u wareejiyey habka gargaarada sharciga kumbuyuutarka, taa oo abuurtay kala qaybsanaan ah dadka heli kara kumbuyuutarada iyo kuwa aan heli karin taa oo si ka balaaran u saameysay beelaha danyarta ah ee ay u adeegyo Hay’ada (Minnesota Legal Aid). Helitaanka cadaalad iyo fursad cadaalad helid ah kaliya waxaa heli kara dadka leh awooda dhaqaale iyo khayraadyo ay ku isticmaali karaan aaladaha tiknoolajiyada. Si wax looga qabto kala qaybsanaantan dhanka kumbuyuutarada ah ayey Hay’ada la yiraa Isbahaysiga Adeegyada Sharciyda (Minnesota Legal Services Coalition) waxa ay ka codsatay dhaqaalaha CARES Act inay u fidiso beelaha cadaalad rayid iyadoo ka abuuraysa Gobolka oo dhan nidaam isku xiran oo sandaqado gargaar dhanka sharciga fidiya ah oo la dhigo goobaha maxkamado badan oo kala duwan, rugaha hay’adaha samafalka ah iyo goobo kale oo ay beelahu leeyihiin. Rugaha la dhigayo iyo ururada ay iskaashaadaan hay’ada gargaarka dhanka sharciyadu waxyaabo badan ayey halkan ka ogaan karaan: legalkiosk.org

close button
Sida looisticmaalo Sandaqada Dhanka Sharciga

Sida looisticmaalo Sandaqada Dhanka Sharciga

Daawo fiidyowgahoose si aad wax uga ogaato sida loo isticnaalo Sandaqada Dhanka Sharciyada.Riix batoonka "CC" ee ku yaal geeska midig ee hoose ee fiidyowga siaad ugu darto qoraalo ama far hoosaad ah afafka Soomaaliga.

Walima qabtaa Su’aalo?

Booqo rugtayadagargaarka ee haysa maqaalada ku saabsan sida loo isticmaalo sandaqada iyohabraacyo talaabo-talaabo ah iyo sawiro.

close button
Booqo RugtaGargaarka (ingiriisi kaliya)
Jawaab-celin?
Nidaamka Xog-XafididaBarnaamijka Sandaqada Sharciga (Copyright © 2024)Shuruudaha Adeega